Dhalinyaradu waa laf-dhabarta bulsho kasta. Soomaaliya waxaa boqolkiiba badan dadka ay ka kooban yihiin dhalinyaro, taas oo micnaheedu yahay in ay yihiin hantida ugu weyn ee dalku haysto. Si kastaba ha ahaatee, shaqo la’aanta, fursad la’aanta, iyo tahriibka ayaa caqabad ku noqday ka qaybgalka dhalinyarada ee horumarka dhaqaale. Haddaba, sidee ayaa dhalinyarada looga faa’iideysan karaa si ay u noqdaan kuwa kiciya dhaqaalaha dalka?
1. Horumarinta xirfadaha iyo waxbarashada xirfadeed
Mid ka mid ah sababaha dhalinyarada u waayaan shaqo waa xirfad la’aan. Haddii la xoojiyo xarumaha waxbarashada farsamada gacanta (TVET), lana baro dhalinyarada xirfado sida dhismaha, korontada, beeraha casriga ah, iyo ICT-ga, waxay si toos ah uga qaybqaadan karaan koboca dhaqaalaha.
2. Taageeridda ganacsiyada yar-yar ee dhalinyarada
Dhalinyarada hal-abuurka leh ee raba inay sameeyaan ganacsi yar waa in la siiyo taageero dhaqaale, la-talinta ganacsi, iyo tababaro ku saabsan maaraynta ganacsiga. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay in la helo barnaamijyo amaah fudud oo gaar ah oo loogu talagalay dhalinyarada.
3. Kobcinta hal-abuurka dhijitaalka ah
Teknoolajiyadda casriga ah waxay dhalinyarada siisay fursado ay kaga qayb qaadan karaan suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Ku dhiirrigelinta dhalinyarada inay horumariyaan apps, adeegyo online ah, ama xalal tiknoolajiyeed ayaa noqon kara dariiq ay ku abuuraan dakhli iyaga iyo bulshadoodaba u faa’iideeya.
4. Ka qaybgelinta dhalinyarada go’aan gaarista
Marka dhalinyarada laga qeybgeliyo go’aan qaadashada, waxay si dhab ah uga shaqeynayaan danahooda. Tani waxay dhiirrigelisaa in ay si firfircoon uga qaybqaataan mashaariicda horumarineed iyo siyaasadaha dhaqaale ee dalka.
5. Dhisidda jawi nabdoon oo u sahla horumar
Amni darro iyo fursad la’aan waxay dhalinyarada ku riixaan tahriib ama ku biirid kooxo hubeysan. Haddii la abuuro jawi furan oo nabad ah, dhalinyarada waxay xooggooda u adeegsadaan wax soo saar, hal-abuur, iyo ganacsi.
Gunaanad
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin awood, hal-abuur, iyo tamar badan oo haddii si sax ah loo hago ay noqon karaan laf-dhabarta dhaqaale ee dalka. Waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado dhab ah oo ay ku horumariyaan noloshooda iyo dalkooda.